Daariz English
  • 4.3

Daariz English

  • Última versión
  • Sahamiye Foundation

Barashadii Af-Ingiriisida oo la fududeeyey!

Acerca de esta aplicación

Qaybta barashada Af-Ingiriisida ee barnaamijka Daariz waxa loogu talogalay in aad ku barato ku-hadalka, akhriska iyo qoraalka Ingiriisida. Af-Ingiriisida waad ka baran kartaa haddii aad tahay qof hadda bilaw ah iyo haddii aad hore cera uga taqaannay ba.

Ujeeddooyin badan ayaa loo bartaa afka Ingiriisida. Waxa ka mid ah in aad ku wanaagsanaato luuqadda kolka aad dugisga ku baranayso, iyo in aad ku kabto aqoonta shaqadaada ama aad shaqo cusub ku raadsato ba. Sidoo kale, waxa loo bartaa en aad kula sheekaysto dadyaw aad wax ka dhefayso, ama ugu yaraan en aad maskaxdaada cariso oo aad barto af cusub.

Barnaamijkan waxa soo diyaariyay papá luuqaddan iyo dhigisteeda ba aqoon u leh. Waxa ku jira barnaamijka Daariz ee Ingiriisida casharro, laylisyo iyo imtixaanno xiiso leh oo xidhmo-xidhmo ah. Maadaama oo barnaamijkani yahay mid aan u baahnayn khadka internetka, goob kasta iyo goor kasta wax waad ku baran kartaa.

La soo deg barnaamijka Daariz ee Ingiriisida:

● Si aad u koriso aqoontaada naxwaha, tirada ereyada aad taqaanno ama aad ugu tababarato ku-hadalka, akhriska iyo qoraalka Af-Ingiriisida.
● Si aad ugu guuleysato billado iyo geel kolkasta oo aad cutub dhammayso. Kula tartan saaxiibbadaa tirada geela ah ee aad hesho kolkasta oo aad mustawe ka gudubto.

Bilaw maanta oo go’aanso in aad barato ama kobciso aqoontaada Af-Ingiriisida. La soo deg barnaamijka Daariz ee barashada Ingiriisida.

Waxa aanu ku soo dari doonnaa barnaamijkan cutubyo cusub si aad mustawe hoose ilaa mid sare halkan wax uga barato. Arrinkani waxa uu kaa caawin doonaa in aad barato maaddooyinka kale ee ku qoran Af-Ingiriisida sida Xisaabta iyo Sayniska. Tani waxa ay qof kasta u saamixi doontaa in uu iskii u dedaalo oo wax u barto hadhaw na u fadhiisto imtixaanno lagu helayo shahaadooyin kala geddisan.

Versiones Daariz English